Ticker

6/recent/ticker-posts

ajax Breeding Ground of legends

 Taariikhda kooxda ajax amsterdam 

Bilowgii iyo aasaaska 1900 1930 kooxda AFC ajax oo sidoo kale loo yaqaano ajax amsterdam ama si fudud ajax waxaa la aasaasay 18 maarso 1900 magaalada amsterdam caasimada dalka Netherlands magaca ajax wuxuu kayimid geesi katirsan taarikhda gariigii hore oo caan ku ahaa geesinimo iyo dagaal aasaasayaasha kooxdu waxaay ahaa yeen floris stempel carel reesar iyo handade ajax waxaay si dag dag ah ukortay garoomada gudaha ee netherlands waxaayna bilowday inaay ciyaarto horyaalada hoose ilaa markii danbe kubiirtay horyaalka heerka koobaad Dutch football league sanadkii 1911

Guulihii hore iyo bilowga horyaalka 1930 iyo 1960 



intii laguguda jiray 1930 meeyadii ajax waxaay bilowday inaay kuguleysato koobab muhiim ah waxaay noqotay koox awood leh gudaha netherlands iyadoo kuguuleysatay horyaalka Dutch national chambionship dhoowr jeer ajax waxay kucaan baxday ciyaar wanaag hab nidaamsan iyo dhalinyaro karti leh oo ka imaanahayey gudaha  magaalada amsterdam dabayaaqadii 1950 meeyadii ciyaarta kubada cagta netherlands ayaa noqotay mid xirfad leey ah oo professional ah wxaana markaas bilaabmay horyaalka Eredivisie sanadkii 1956 horyaalka rasmiga ah ee ugu sareeya dalka netherlands 

Xiligii dahabiga ahaa Rinus michels johan cruyff 1960 iyo 1973

Waqtiga ugu dahabisan ee kooxda ajax wuxuu bilaamay 1965 mar kaasoo rinus michels loo maga caabay tababare michels waxa uu bilaabay hal abuur nimo ciyaareed oo aad usaameysay kubada cagta caalamka taasoo loo yaqaan Total football qaab ciyaareedkaan wuxuu kusaleysnaa dhaq dhaqaaq iyo furfurnaan buuxda oo ciyaartoydu kalabadaleen boosaskooda iyagoo oo sibuuxda umaamula garoonka intuu michels tababare ahaa  johan cruyff oo ahaa xidig dhalinyaro ah markaas soo shaac baxay cruyff wuxuu noqday astaan u ah ajax iyo kubada cagta netherlands isagoo kamid noqday ciyaartoyda ugu fiican abid 

ajax waxaay kuguuleysatay 
 
Erdivisie dhowr jeer

Knvb cup koobabka qaranka netherlands

Sadex jeer oo xiriir ah aay kuguleysatay European cup 1971 iyo 1972 iyo 1973 taasoo hada loo yaqaan UEFA champions league  waxaa sidoo kale laxasuusta ajax markii aay kuguuleysatay intercotinental cup 1972 kadib markii aay garaaceen kooxda independente ee Argentina 

Dib udhismihii iyo guulihii cuslaa 1980 iyo 1995 

Kadib markii kooxda dahabiga aheed kalatageen 1970 meeyadii dambe ajax waxaay bilowday dib udhis ciyaartoy cusub sida marco van Basten frank Rijkaard iyo Dennis Bergkamp ayaa kasoo abxay akadamiyada kooxda dhamaadkii 1980 meeyadii iyo horaantii 1990 meeyadii kooxda waxaa mar kale lawareegay luis fan Gaal tababare sumcad leh sanadkii 1995 ajax waaxy markale guulo waa weeyn kagaartay yurub iyadoo laga badin wax ciyaar ah xiliciyaareedki oo dhan waxaay kuguuleysatay 

Erdivisie 

UEFA champions league 1995 kadib markii aay kabadiyeen AC milan 1_0 

Intercontinental cup 

UEFA super cup 

Ciyaartooyad kooxdaas kamid ahaa Edgar Devids clarence seedorf Patrick kluivert frank Roanld de Boer iyo Edwin  van der sar

Qarnigii cusbaa dhibaatoyin iyo soo kabasho 2000 iyo 2020 

Ajax waxaay lakulantay waqtiyo adag markii ciyaartooydeeda ugu fiic naa aay kooxaha waa weeyn yurub lawareegen laakin kooxdu waxaay siiwaday inaay soo saarto xidigo dayar ah oo tayo leh taa soo ah dhaqanka aad ugu faanto ciyaartooyada kasoo baxay akadamiyada tan iyo markaas waxaa kamid ah Wesley sneijder Rafael van der vaart zlatan ibrahimovich in kastoo laga geenay Sweden luis Suarez Christian Eriksan iyo matthijs de ligt sanadkii 2018 iyo 2019 ajax waxaay mar kale cajiib kunoqotay yurub iyadoo gaartay semi finalka UEFA champions league kadib guul layaab leh aay kagaartay kooxaha real Madrid iyo juventus tababare wakhtigaas wuxuu ahaa Erik then hag 

Qaab ciyaareedki iyo akadimiyada 

Ajax waxaay lee dahay mid kamid ah akadimiyada dhalinyada ufiican aduunka De toekomst mustaqbalka waxaay si weeyn ugu tiirsantahay  tayada ciyaartoyda da dayar taa soo qaaybka ah dhaqanka kooxda qaab ciyaareedka ajax waxa uu wali kusa leeysan yahay falsafadii Total Football waxaana kooxda si weeyn ugu caan tahay ciyaar qurux badan weerar kusaleysan iyo haaysashada kubada 

Kooxda maanta 2020 iyo 2025 

In kastoo ajax  aaysan marwalba si joogta ah ugaarin karin guulo caalami ah sida kooxaha dhaaqaala badan leh ee yurub hadana waxaay si joogta ah utartantaa horyaalka netherlands waxaayna soo waddaa soo saaridda ciyaartoy heer caalami ah sanadihii danbe ajax waxaay kuguleysatay dhoowr Eredivisie iyo KNVB cup  waxaayna sifican oo gaqaayb gashay UEFA champions league iyo Europa league kooxda waxaa sifican umaamula nidaam ganacsi iyo farsamo  oo is kudhafan in kastoo mararka qaarn ciyaartoy muhiim.ah laga iibiyo 

Gunaanad   

ajax amsterdam waa koox aan kaliya lagu qiimeeyn guulo balse sidoo kale lagu xasuusto falsafad ciyaareed tayada akadimiyada iyo hal abuurka aay kulee dahay kubada cagta  waxaa laku tilmaama mid kamid afarta kooxood ee ugu waa weeyn taarikhda yurub iyadoo leh dhaxal weeyn oo aay kagatagtay ciyaarta kubada cagta kooxda ajax waxaay astaan utahay guul hal abuur dhalinyaro latarabiyeeyay si xirfad leh iyadoo aan wax badan laga badalin  mabda aheed ajax wali waxaay utaa gantahay ciyaar qurux badan iyo hormarinta ciyaartoy tayo sare leh 

Post a Comment

0 Comments