Ticker

6/recent/ticker-posts

Bayer munich A symbol of germany football


 Taariikhda kooxda FC Bayer munich

Fc Bayer munich waa koox kubada cagta oo laga leeyahay magaalada munich jarmalka taasoo la aas aasay 27 february 1900 waxaay kamid tahay kooxaha ugu guulaha badan taarikhda kubada cagta yurub iyo guud ahaan caalamka Bayer munich waxaa lagunaneysaa Die Bayern  Bayern stern des sudens xidiggta koon fureed waana kooxda ugu caan san jarmalka marka loo eego taageerayaal iyo dhaqaaleba 

aas aaskii kooxda iyo Bilowgii hore 1900 iyo 1930kii

Fc Bayer munich waxaa aas aasay koox ciyaartoy ah oo kakoobnaa 11 xubnood oo uu hor kacayey franz john kadib markii aay kago een kooxdii Mtv 1879kii munich kooxdu waxaay bilowday ciyaar heer hoose ah oo gudaha jarmalka ah waxaayna sitartiib ah ukasbatay sumcad iyo taagerayaal sanadii 1910kii ayey Bayer bilowday inay kaciyaarto heer gabol waxaayna bilaabeen inaay kuguleystaan tartamada gobolka Bavaria intii lagu gudi jiray dagaalkii koobaad aduunka kooxdu waxaay lakulantay caqabado badan waxaana hoos udhacay ciyaaraha iyo dhaqaalaha kooxda

Xiligii naziga iyo dhibaatadii siyaasadeed 1933 iyo 1945

Markii naziga lawareegay talada jarmalka sanadii 1933 Bayer waxaay lakulantay cadaadis siyaasadeed oo xoogan gudoomiyihii kooxda ee wakhtigaas kurt landuaer oo yahuudi ahaa ayaa laguqasbay inuu iscasilo waxaana kooxda laga eryay dad badan oo yahuudi ah inkastoo kooxdu siijirtay haddana ma aaysan gaarin guulo muuqda intee uu socday xukunka naziga 

Dib udhiskii iyo kobaca kadib dagaalkii labaad 1945 1965

Kadib dhamaadkii dagaalkii labaad Bayer waxaay lamid noqotay kooxo badan jarmal ah kuwaas oo dib udhis kubilaabay kooxdu waxaay kuciyaaraysay heerka hoose laakiin waxaay dib usoolaabatay heerka sare iyadoo sanadii 1957 kuguuleysatay koobka DFB pokal markii ugu horeeysay 

Guulihii ugu weyn xiligii dahabiga ahaa 1965 iyo 1979

Sanadii 1965 Bayer munich waxaa loo ogalaaday inaay kubiirto Bundesliga horyaalka ugu sareeya jarmalka waxaayna isla markii noqotay koox awood badan ciyaar tooyda caanka ah ee waagaas waxaa kamid ahaa franz Beckenbauer Gerd Muller iyo sepp maier Bayer waxaay kuguuleysatay saddex koob oo xidhiidh ah  oo European cup ah 1974 iyo 1975 iyo 1976 taasoo kadhigtay kooxdii labaad ee yurub kuguuleysata koobabka UEFA champions league sadex sano oo is kuxigta guulahaas Bayer waxaay kadhigeen koox sibuuxda uheshay sumcad caalami ah

Sanadihii dhexdhexaadka ahaa iyo dib uhabeeyn 1980 iyo 1999

Sanadii 1980 meeyadii ilaa 1990 meeyadii Bayer waxaay kuguuleysatay horyaalo badan oo Bundesliga ah iyadoo usuurtagashay inaay noqoto awood joogta ah gudaha dalka ciyaartooy badan oo caan ah ayaa kooxda usoo ciyaartay sida lothar matthaus iyo karl heins iyo Rummenigge iyo oliver kahn si kastaba ha ahaatee kooxda waxaay marar badan gaartay heerar hoose tartanka champions league intii lagu jiray 1990 meeyadii guul daradii ugu xanuunka badneed waxaay dhacday sanadii 1999 markaasoo manchester united labo gool kudhaliyay daqiiqadihii ugu danbeeyay si aay uguqaado Bayer munich koobka champions league

Qarnigii cusbaa guulo koobab iyo hormar dhaqaale 2000 iyo 2020 

Bilowgii qarniga Bayer waxaay noqotay koox si buuxda u maamulsan iyadoo dhistay garoonkeeda casriga ah ee Allianz Arena sanadkii 2005 dhaqaalaha kooxda ayaa siweeyn ukoray waxaayna noqotay kooxaha ugu lacagta badan dunida sanadii 2013 kii Bayer waxaay kuguuleysatay treble saddexda koob ee ugu waa weey  Bundesliga DFB bokal iyo UEFA champions league iyagoo garaacay Borussia dortmund finalkii champions league  tababaraha wakhtigaas jupp heynckes wuxuu noqday hal yeey kadi tababarayaal caan ah sida pep cuardiola iyo carlo Ancelotti iyo hansi flick ayaa hugaamiyey kooxda sanadii 2020 iyadoo uu tababare yahay flick Bayer mar kale waxaay kuguuleysatay sextuple lix koob sanad gudeheed oo aay kujirto champions league oo aay kugaraceen PSG 1_0 

Xaalada cusub iyo tartanka Bundesliga 2021 hadda 

Bayer munich waxaay sii haaysatay horyaalka Bundesliga muddo 11sano oo xiriir ah laga bilaabo 2013 ilaa 2023 taasoo rikoor ah sida ciyaartoy  Robert lewandowski manuel Neuer Thomas muller joshua kimmich iyo jamal musiala ayaa kooxda kadhigay mid halis ah gudaha iyo dibada sanadii 2023 kooxdu waxaay lakulantay isbadalo hogaanka iyo ciyaartoyda lewandowski ayaa katagay  Thomas Tuchel ayaa noqday tababaraha cusub waxaana kooxda larabay inaay dib udhisanto si aay usiiwado guulaha 

Guulaha ugu muhiimsan ee Bayer munich 

Bundesliga inkabadan 30jeer 

DFB pokal 20jeer 

UEFA champions league 6jeer

FIFA club world cup 2jeer

UEFA super cup 2jeer 

Gunaanad 

Fc Bayer munich waa koox leh taariikh dheer oo kabuuxda guulo iyo halyeeyo iyo waayo arignimo waxaay astaan utahay awooda kubada cagta jarmalka iyo sida hormarka qorsheeynta iyo maamul wanaagsan oo aay uhorseedi karaan guulo waa weeyn ma ahan koox kaliya tartame balse sidoo kale waa astaan dhaqanka isboortiga munich iyo guud ahaan jarmalka 

Post a Comment

0 Comments