Taarikhda kooxda AC milan Associazion calcio milan
AC milan waa koox kubada cagta kadhisan magaalada milan ee dalka talyaaniga kooxda waxaa la aas aasay 13kii December 1899kii waxaana markii hore lagu magacaabi jiray milan football and cricket club taa soo lasameeyay iyadoo aay iskakaashadeen talyaani ingiriis mid kamid aas aasayaashii ugu muhiimsanaa wuxuu ahaa Alfred Ewards oo ahaa ganacsade ingiriis ah kooxda waxaay si dhakhso leh caan oga noqotay gudaha talyaaniga iyadoo hanatay horyaalkii ugu horeeyay sanadii 1901 taas oo aheed markii ugu horeeysay ee koox aan aheen Genoa aay kuguu leysatay horyaalka talyaaniga
Magaca AC milan isbadalada taarikhiga ah
Sanadkii 1938 magaca kooxda ayaa loo badalay Associazio calcio milan iyadoo laraacayo siyaasada mussolini ee qarnimo xagjir ah balse magaca asal ahaa ee milan ayaa dib looceliyay 1945 markii dhamaatay dagaalkii labaad aduunka
Guulihii gudaha talyaaniga
Ac milan waxaay guul weeyn kagaartay horyaalka serieA iyadoo ilaahada 2025 hanatay horyaalka talyaaniga 19jeer guulihii ugu weeynaa ee gudaha waxaa kamid ahaa sanadii 1950 meeyadii oo aay hurmuud uahaayen ciyaartoy caan ah sida Gunnar nordahl nils liedholm iyo Gianni Rivera sanadii 1988 iyadoo tobabare uahaa Arrigo sacchi milan waxaay bilowday xli guulo caalami ah leh oo aay kujiraan serieA iyo champions league waxaa laxasuus taa sidoo kale guushii 2003 iyo 2004 oo milan hanatay coppa Italia iyo horyaalka serieA
Guulaha yurub iyo aduunka
Kooxda AC milan waa mid kamid ah kooxaha uguguulaha badan yurub waxaay kuguuleysatay UEFA chambions league oo hore loo oran jiray european cup 7jeer taasoo kadhigaysa kooxda labaad ee ugu guulaha badan tartankaas kadib real madrid guu lahaas waxaa kamid ahaa
1963 guushii ugu horeeysay champions league
1989 iyo 1990 sacchi oo hugaaminaya iyo koox uu hugaaminahayo Dutch ka ah Rijkaard Gullit van Basten
1994 guul 4 _0 ah kadhan ah Fc Barcelona
2003 iyo 2007 Era carlo Ancelotti oo uu caan ku ahaa ciyaartoy sida paolo maldini Andrea pirlo kaka iyo shevechenko
AC milan sidoo kale waxaay kuguleysatay
Super cup Europe 5jeer
FIFA club world cup Intercontinental cup 4jeer
Coppa Italia 5jeer
Super coppa Italiano 7jeer
UEFA champions league 7jeer
Ciyaartoyda caanka ah
AC milan waxaay hooy unoqotay ciyaartoy caan ah oo taarikhda kubada cagta kagalay magac weeyn qaar kamid ah
Franco Baresi difaac cajiib ah halyeey milan ah
Paolo maldini mid kamid ah daafacyada ugu wanaagsan taarikhda kubada cagta 25 sano uu qaatay milan
Marco van Basten weerar yahanka Dutch ah oo kuguleystay Ballan dior isagoo kujira milan
Kaka kubad sameeyihii reer Brazil ah oo kuguuleystay Ballan dior 2007
Andriy shevechenko weerar yahankii reer Ukraine oo milan udhaliyay goolal badan
Zlatan ibrahimovich in kastoo uu kooxo badan soo maray zlatan wuxuu labo jeer milan uciyaaray isagoo door muhiim ah kaqaatay hanashada horyaalka 2011kii
Sanadihii hoos udhaca iyo sookabashada
Kadib guushii champions league 2007 kooxdu waxaay lakulantay dhibaato dhaqaale taasoo keentay in ciyaartoy muhiim ah laga iibiyo waxaana bilowday xili aay milan kamaqneed tartamada ugu sare laakin sanadii 2022dii kooxda ayaa markale kuguuleysatay horyaalka serieA kadib 11sano iyadoo uu tababare uahaa stefano pioli ciyaartoyda sida rafael leao theo hernandez iyo mike maignan ayaa door weeyn kaciyaaray guushaas
Dagaalka AC milan vs inter milan
Kooxda AC milan waxaay lawadaag taa garoonka san siro oo sidoo kale loo yaqaano Staduim Giuseppe meazza kooxda inter milan kulanka labada kooxeed derby della madonnina waa mid kamid ah kulamada ugu kulul yurub dagaalka magaalada milan wuxuu leeyahay taarikh dheer oo qoto dheer
Samaaynta caalamiga ah
AC milan waxaay lee dahay taageerayaal malaayiin ah oo kukala sugan daafaha caalamka naadigu wuxuu astaan uyahay quruxda kubada cagta talyaaniga iyadoo laxasuusto ciyaar wanaag nidaamka ciyaareed iyo ciyaartoy tayada leh ee soo maray
Gunaanadkii
Ac milan waa naadi leh taarikh hodan ah guulo badan oogudaha iyo dibada ah oo ciyaartoy taarikh sameeyay in kastoo aay lakulan tay wakhti adag hadana milan waa koox had iyo jeer dib isu sooceshata taageerayasheedu waxaay kufaanaan astaanta casaanka iyo madowga waxaayna sugayaan in aay kooxdu sii wadato guulaha oo aay mar kale hugaanka unoqota kubada cagta yurub
0 Comments