Ticker

6/recent/ticker-posts

Arsenal The pride of North london


  Taarikhda kooxda ARSENAL 

Kooxda arsenal waa mid kamid ah kooxaha ugu waaweyn uguna guu laha badan kubada cagta ingiriiska waxaa saldhig utahay waqooyiga london waxaa la aas aasay sanadkii 1886dii iyadoo markii hore looguyeeri jiray Dial square kadib loo badalay Royal arsenal kadib inta aan loomagacaabin magca hada looyaqaano arsenal Footbll club sanadkii 1891dii

 Aasaaskii Bilowgii


Arsenal waxaa la aas aasay Bishii December 1886dii ayagoo aas aaseen koox shaqaale ah oo kashaqaayn jiray warshada hubsameenta oo kutaala woolwich koonfurta london waxaay kubilaaben ciyaar saxiib tinimo ah iyo tar tamo hoose sanadkii 1893 waxaay noqdeen koox xirfad leh oo kusoo biirtay Football league ga ee ingiriiska iyagoo noqday kooxdii uhoreysan koon furta England kasoo gasha horyaalka sanadkii 1913 kooxda waxaay uguurtay woqooyiga london kaar ahaan Highbury halkaas oo aay deggneed mudo 93sano Guritaankas wuxuu noqday mid taarikhi ah oo badalay wajiga kooxda 

Dhibaatadii dagaalka sookabashada 

Dagaalkii kobaad  ee  aduunka kadib arsenal waxaay simuran leh ugu soo laabatay heerka koobaad ee horyaalka 1919kii taasoo wali laga hadlo ilaa maanta waxaana bilowday kobaca magaca kooxda iyadoo sitartiib tartiib ah usoo caga dhigatay guulo waaweeyn 

Guulihii Herbert chapman 

Qarnigii 20aad bartamihiisa Herbert chapman wuxuu noqoday tababarihii badalay taarikhda kooxda chapman ayaa keenay hal abuur sida habka wm 3_2_2_3_ adeegsiga tirooyin garanayaal wuxuu kooxda kuguuleysiyay horyaalka ingiriiska sanadii 1931, 1933,iyo 1934, inkastoo uu geeryooday 1934tii 

Guulihii dahabiga dheereed 

Dabayaqadii 1930 meeyadii ilaa 1950 meeyadii arsenal waxaya noqotay awood weeyn iyadoo kuguleysatay 5horyaal iyo 2FA cups mudadaas  dhibatadii dagaalki labaad kadib kooxdu waxaay lakulantay hoos udhac balse waxaay kusoo laabatay guulo yaryar sida FA cup 1950kii 

Kobaca cusub Arsene Wenger 

Guushii weeyn ee 1971 ayeey aheed markii arsenal kuguuleysatay Double premier league iyo FA cup tababarayaal badan ayaa yamid laakin isbadl weeyn baa yimid sanadkii 1996 markii tababare noqday arsene wenger uu noqday tababarihi uhoreeyay aan ingiriiska aheen ee maamula kooxda wenger wuxuu badalay qaab ciyaaredka cuntooyinka ciyaartoyda iyo dhaqanka guud ee kubada waxa uu arsenal laqaaday 

3premier league 

7 FA cup

Final champions league 2006dii 

Guushii uguweyneed wenger waxay aheed 2003 -2004-markaas oo arsenal aay dhamaan ciyaaraha horyaalak aan laga badin guul daro laaan kooxdaas waxaa loo yaqanaa The invincibles waxaay tahay kooxdii ugu danbeeysay sidaas sameysa ilaa maanta 

Stadium cusub caqabadaha cusub

Sanadkii 2006 arsenal waxaay kaguurtay Highbury una wareegtay garoon cusub  Emirates stadium oo aay lee dahay ilaa maanta waxaana garoonka uu lee yahay awood uu kuqaado 60,000 taageere in kastoo dhaqaalaha garoonka uu sameeyay dhaqaale awooda suuqa arsenal ayaa si joogta ah ugasoo baxdaa champion league muddo 19sano xiriir ah

Dabayaqadii wenger kacaan cusub 

Wenger wuxuu kooxda katagay dabayaqadii 2018kii kadib 22sano oo taarikh ah kadib waxaa yimid unai Emery laakiin si dag dag ah ayuu ubaxay waxaana kooxda lawaree gay mikel Arteta ciyaar yahan hore oo kooxda usoo ciyaaray arteta wuxuu kooxda uhugaamiyay guulo FA cup 2020kii community shield 2020&2023 waxoo kale arsenal kamuuqata dib ukorar iyagoo markale utartamay horyaalka premier league sanadihii 2022 iyo 2024 

Ciyaartoydii caanka ahaa 

Kooxda arsenal waxaa soo maray ciyaartoy halyeeyo ah 

Thierry henry 

Dennis Bergkamp

Patrick vieira

Tony Adams 

Ian Wright

Robert pires 

Cesc Fabregas 

Robin van persie

Arsenal maanta 

Arsenal maanta waxaay leedahay koox dayar leh tayo iyo hal abuur sare waxatana kujirtaa safka hore waxaayna utartamaysa horyaalka premier league 
Iyi champions league waxoo kale lafilayaa inaay sii wado hormarka iyadoo la aadeeg sanahayo aragtida casriga ah iyo maal gashiga ciyaartoy tayoleh 

Post a Comment

0 Comments