Ticker

6/recent/ticker-posts

Tottenham Hotspur A legacy of passion pride

 Taariikhda kooxda Tottenham Hotspur 

Kooxda Tottenham Hotspur oo loo yaqaan spurs waa koox kubada cagta ingiriiska oo xarun teedu tahay waqooyiga london gaar ahaan dagmada Tottenham waxaa la aasaasay sanadii 1882 waxaana kooxda markii hore loo yaqaanay Hotspur fc kahor inta aaysan qaadan magaca Rasmiga ah ee Tottenham Hotspur football club sanadkii 1884

Bilowgii aasaaskii 1882 iyo 1900


Kooxda waxaa aasaasay koox dhalinyaro ah oo kasoo jeeda iskuulka church Sunday school kuwaas oo taageero kahelay koox kale oo looyaqanay Hotspur cricket club markii hore kooxdu waxaay ciyaaraysay kubada cagta heerka hoose ee london iyagoo si tartiib tartiib uhelay taageearyaal sanadii 1895 spurs waxaay noqotay koox xirfadle ah 

Guushii ugu horeeysay FA cup 1901

Tottenham waxaay caan kutahay inaay noqotay kooxdi ugu horeeysay ee aan katirsaneen horyaalka heerka koobaad outside the football league ee kuguuleysatay koobka FA cup tan iyo markii uu bilaamay tar tanku waxaay taasi dhacday sanadkii 1901 markaasoo aay finalka kaga adkaadeen Sheffield United 3 _1 kulankii dib uciyaalka ahaa guusha waxaay Tottenham kusoo jiiday magac iyo sumcad weeyn

Kubiirista horyaalka ingiriiska 

Tottenham waxaay kubiirtay horyaalla football league 
1908 waxaayna sanadkii uhoreeyay kudha meeysatay kaalinta labaad ee heerka labaad taasoo usuurta galisay inay ugudubto heerka koobaad first Division sanadihii xigay waxaay lakulantay guulo iyo guuldaraba isugujira iyagoo marar baadan hoos udhacay heerka labaad 

Dagaalkii labaad kadib guulaha cusub 1950 iyo 1960

Tottenham waxaay gaartay mid kamid ah xiligii ugu fiicneed taariikhdooda markii Bill nicholson uu noqday tababaraha kooxda sanadkii 1958 waxaa lagaaray guulo waa weeyn sida 1961 Tottenham waxaay noqotay kooxdi ugu horeysay ingiriis ah ee kuguuleysatay Double horyaal frist Division iyo FA cup isla xili ciyaareed 1963 waxaay noqotay kooxdi u horeeysay ingiriis ah ee kuguuleysatay koob yurub ah European cup winners cup xidigo caan ah sida Danny Blanchflower Dave mackay iyo jimmy Greaves ayaa hormuud uahaa xiligaa dahabiga ah 

Xiligii dhexe 1970 ilaa 1990

Tottenham waxaay siiwaday inaay guulo gaarto 1970meeyadii ilaa 1990meeyadii 1972 waxaay kuguuleysatay UEFA cup markaas aay noqotay kooxdi uhoreeysay ingiriis ah ee koob kaas hanata 1981 ilaa 1982 spurs waxaay laba jeer kuguuleysatay FA cup iyadoo ciyaartoyda sida Glenn hoddle iyo Ricky villa ay caan kanoqdeen 1984 spurs waxaay mar kale kuguuleysteen UEFA cup laakiin intii udhaxeeysay 1990 kooxdu waxaay lakulantay waqti adag in kastoo aay kuguuleysteen league cup 1999 spurs waxay kudhibtootay inaay latartanto kooxaha waa weeyn sida Manchester United ARSENAL iyo livarbool 

Qarnigii 21aad kacdoon cusub 

Bishii August 2001 Tottenham waxaay saxiixatay ciyaartoyda reer Bulgaria Dimitar Berbatov iyo ciyaartoy kale oo hormood ahaa kooxdu waxaay sitartiib tartiib ah udhiseen koox adag 2008 waxaay mar kale kuguuleysteen league cup markaasoo aay finalka kagabadiyeen Chelsea 2010 spurs waxaay usoo baxday UEFA champions league iyagoo wacdaro kadhigay 2019 Tottenham waxaay gaartay finalkii champions league markii ugu horeeysay taarikhdooda inkastoo aay livarbool kaga adkaatay 2_0  tani waxaay aheed guul muhiim ah oo muujisay hormarka kooxda 

Garoonka cusub mustaqbalka 

Tottenham waxaay kaguurtay garoonka caanka ahaa ee white Hart lane 2017 waxaayna dhisteen garoon cusub oo casri ah oo lagu magacaabo Tottenham Hotspur stadium kaasoo leh in kabaadn 62,000 kursi garoonka cusub wuxuu noqday mid kamid ah kuwa ugu fiican yurub kooxda hada waxaa leh shirkada ENIC Group waxaana gudoomiya ka ah Daniel levy oo caan kuah maamul adag maal galin xisaabsan in kastoo kooxdu aay san guulo badan gaarin sanadihii danbe haddane spurs waxaay lee dahay taagerayaal ballaaran dhaqaalohooda aad ayuu ukobcay waxaana laga filan karaan guulo mistaqbalka dhow 

Ciyaartoyda ugu caansan 

Tottenham waxaay soo saartay ama lasaxiixatay ciyaartoy badan oo taarikhda galay kuwaas waxaa kamid ahaa 

Jimm Greaves weerar yahanka ugu goolasha badnaa taarikhda kooxda ilaa ladhaafay

Glenn Hoddle ciyaaryahan khadka dhexe caan ku ahaa farsamad iyo xirfad 

Paul Gascoigne Gazza wuxuu ahaa halyeey aan lailaawikarin 1990meeyadii 

Gareth bale ciyaaryahan reer wales ah oo caan kunoqday spurs kahor intuusan uwareegin REAL Madrid 

Harry Kane weeraryahanaka ugu goolasha badan taarikhda kooxda katagay sanadkii 2023 kuna biiray Bayern munich 

Gunaanad 

Tottenham Hotspur waa koox le taariikh dheer taageerayaal xamaasad baadan iyo garoon casri ah in kastoo aaysn sijoogtada ah uahanan koobab sida kooxaha kale ee waa weeyn spurs waxaay lee dahay qiimo gaar ah iyo taarikheed iyo mid nayideed waxaa loo arkaa koox markasta halis ku ah tartamada waa weeyn waxaana laga filan karaa mustaqbalka guulo waaweeyn mustaqbalka dhow hadii aay hesho xasalooni  iyo maalgashi joogta ah

Post a Comment

0 Comments