Taariikhda kooxda AS ROMA
Kooxda kubada cagta Associations sportiva Roma ama sida caanka ah loo yaqaan As Roma waa koox heer sare ah oo kaciyaarta horyaalka serieA ee dalka talyaaniga waxaa la aasaasay 22july1927 magaalada Roma waxaana sal dhig uah magaaladaas oo ah caasimada dalka talyaaniga AS Roma waa mid kamid ah kooxaha ugu caansan uguna taageerayasha badan dalka talyaaniga gaar ahaan bartamaha dalka waxaana ay astaan utahay magac iyo taariikhda dheer ee magaalada Roma oo ahaayd xaruntii boqotooyada roomanka
Aasaaska kooxda
As Roma waxaa la aasaasay iyadoo aay is kubireen dhowr kooxood oo magaalada Roma kadhisnaa kuwaas oo kala ahaa Roman Fc Alba Audace iyo fortitudo pro Roma SGS ujeedada laga lahaa isku darka kooxahaan waxaay aheed in la helo koox awood leh oo latartami karta kooxaha waqooyiga talyaaniga sida juventus intar milan iyo AC milan waxaa lagu aamiyay in lamideeyo awoodaha si magaalada Roma ugu hesho matalaad dhamaystiran
Magaca iyo caalaamada iyo midabka kooxda
Magaca Roma wuxuu katurjumayaa magaalada Rome calaamada kooxda waa dibi caan ah oo nuujinahaya lab ilmo ah taa soo laga soo qaatay halyeeygii Romaanka ee Romulis iyo Remus oo lagu tilmaamo inaay aas aaseen magaalada Rome calaamadaan waxaay astaan utahay asalnimada Rome iyo xasuusta boqortooyadii Roomaanka midabka koox waa casaan madow leh iyo dahab kuwaas oo laga soo qaatay calankii cadiga ah ee magaalada Rome cadaanka iyo dahabka waxaay astaan uyihiin sharafta iyo taariikhda magaaladaas
Garoonka
As Roma waxaay ciyaartaheeda kuciyaarta garoonka weeyn stadium olimpico kaas oo aay wadaa gaan kooxda kale ee magaalada SS lazio garoonku wuxuu qadaa ilaa 70,000 taageera waxaana uu kamid yahay garoomada ugu waa weeyn dalka talyaaniga waxaana ladhisay 1937 balse si weeyn baa loo dayactiray sanadihii danbe gaar ahaan tartankii koobka aduunka 1990
Guulaha kooxda
As Roma waxaay lee dahay taariikh guul leh in kastoo aay san kujirin kooxaha ugu koobabka badan talyaaniga waxaay kuguleysatay horyaalka serieA saddex jeer 1942 iyo 1942 1982 iyo 1983 iyo 2000iyo 2001 intaas waxaa dheer Rome waxaay kuguleysatay coppa italia 9jeer iyo supercoppa italiana 2jeer kooxda sidoo kale waxaay sifiican oga qaayb gashay tartanka yurub iyadoo mar gaartay finakii UEFA champions league sanadkii 1984 halkaas oo aay rigoolayaal kulumiyeen koobkii aay laciyaarahayen livarbool sidoo kale Roma waxay gaartay finalkii UEFA Europa league 2023 balse waa laag badiyay sanadkii 2022 Roma waxaay kuguuleysatay koob kii ugu horeeyay ee UEFA taariikhda kooxda UEFA Europa conference league kadib markii aay 1_0 kaga badiyeen feyenoord finalkii lagu qabtay tirana Albania guushaas waxaay aheed mid taariikhi ah waa koobkii ugu horeeyay ee UEFA aay qaado kooxda
Ciyaartoyda caanka ah
Roma waxaay lee dahay ciyaartoy badan oo caan ah kuwaas oo door muhiim ah kaqaatay hormarka iyo magaca kooxda francesco Totti waa ciyaar yahanka ugu caansan uguna halyeeysan kooxda As Roma wuxuu kooxda uciyaaray laga soo bilaabo 1992 ilaa 2017 wuxuuna dhaliyay in kabadn 300 gool wuxuu ahaa kabtanka kooxda muddo dheer Totti wuxuu astaan uyahay daacadnimo madaama uu diiday dalabyo kagayimid kooxo waa weeyn sida REAL Madrid si uu ugusiinagaado Roma Daniele De Rossi wuxuu kooxda uciyaaray muddo 18sano ah Bruno conti Giuseppe Giannini AldaiR cafu Gabriel Batistuta iyo miralem Pjanic waa ciyaartoy kale oo taariikh muhiim ah kuleh kooxda
Tababarayaal caan ah
Roma waxaa soo maamulay tababarayaal badan oo caan ah mid kamid ah kuwa ugu guulaha badan waa nils liedholm oo kooxda horyaal uqaaday 1983 sanadihii danbe tababaraha caanka eh reer Portugal jose mourinho ayaa noqday tababaraha kooxda wuxuuna hugaamiyey inaay Roma kuguleysato UEFA Europa conference league 2022
Xifaaltanka kooxda
As Roma waxaay xifaaltan aad uadag laleedahay kooxda kale ee magaalada Rome ss Lazio kulanka aay labada kooxood aay ciyaaraan waxaa loo yaqaanaa Derby della capitale derbiga caasimada waa mid kamid ah kulamada ugu kuluul ee kubada cagta yurub waxaana lagu yaqaanaa taageerayaal aad uheegan ah xamaasad sare iyo garoon buuxa
Taageerayasha kooxda
As Roma waxaay lee dahay taageerayaal aad udaacad ah gaar ahaan kuwa kusugan magaalada Rome garoonka qaaybtiisa ugu buuqa badan waa curva sud halkaas oo aay taageerayasha ugu xamaasad bada ku ururaan curva sud waxa lagu tiriyaa qeeybaha taageerada ugu cad cad yurub
Dhaqaale iyo milkiilayaasha
Sanadihii udanbeeyay kooxda As Roma waxaa lagu wareejiyay milkiilayaal mareeykan ah milkiilaha hada ah waa Dan friedkin oo ah ganacsade mareeykan ah oo kooxda lawareegay 2020 waxaa jira rajo ah in Roma si aay dhaqaalaha uxoojiso islamarkaana aay kor uqaadato tayada kooxda si aay ogamid noqota kooxaha ugu waaweyn yurub
Gunaanad
As Roma waa koox leh taarikh qoto dheer taageero xoog leh sumcad weeyn oo kadhisan magaalada ugu weeyn talyaaniga in kastoo aaysan aheen kooxda ugu koobabka badan hadana waxaa lagu yaqanaa ciyaar qurux badan ciyaartoy udaacad ah iyo taageerayaal qalbiga uhaya magaca Roma kooxdu waxaay wali raadinaysa in aay kor uqaado kobaceeda caalamiga ah waxaana taageerayashu rajo kaqabaan in aay mustaqbalka guulo waaweeyn gaaraan
0 Comments