Ticker

6/recent/ticker-posts

Historic football Giant

 Taariikhda kooxda Aston villa football club 

Aston villa football club waa mid kamid ah kooxaha ugu taariikhda dheer uguna guulaha badan kubada cagta ingiriiska waxaa la aasaasay sanadii 1874 magaalada Birmingham England kooxdu waxaay kuciyaartaa garoonka villa park oo kamid ah garoomada ugu caansan ugu dada weeyn gudaha England 

Bilowgii iyo aas aaskii kooxda


Aston villa waxaa aas aasay afar xubnood oo katirsanaa kooxda cricket ee wesleyan chapel waxaay bilaa been kooxda kubada cagta ah si aay uhelaan ciyaar kale oo aay kumush quliyaan xiligaa qaboobaha kulankii uhoreeyay waxaa laciyaareen kooxda aston Brook st marys bishii maarso 1874 qaaybtii hore ciyaartu waxaay aheed rugby halkii qaaybtii danbe aheeyd kubada cagta 

Kubiiristii horyaalka ingiriiska 

Aston villa waxaay aheed mid kamid ah 12 kooxood ee aas aasay horyaalka ingiriiska football league sanadkii 1888 kooxdu waxaay si dàg dag ah unoqotay awood weeyn waxaayna kuguleysatay horyaalkii markii uhoreeysay 1894 intii udhaxeeysay 1894 ilaa 1910 villa waxaay kuguuleysatay horyaal 6jeer ah taasoo kadhigtay kooxda ugu guulaha badan waqtigaas 

FA cup iyo guule kale

Aston villa sidoo kale waxaay guulo gaadhay tartanka FA cup kooxdu waxa markii uhoreeysay kuguleysatay sanadii 1887 kahor inta aaysan bilaabin horyaalka rasmiga ah ilaa hada Aston villa waxaay kuguuleysatay 7jeer FA cup in kastoo guushoodii udan beeysay ee FA cup ee aheed sanadkii 1957 markay garaaceen Manchester United 

Guushii yurub 1982

Mid kamid ah dhacdooyinkii ugu waaweeyna taarikhda Aston villa guushii UEFA European cup hadda loo yaqaan UEFA champions league sanadkii 1982 kooxda aayaa final kaga adkaatay kooxda Bayer munich 1_0  waxaana goolka guusha dhaliyay peter withe guushaas waxay Aston villa kadhigtay mid kamid ah kooxaha yar ee ingiriiska kuguuleysatay tartanka ugu weeyn ee kooxaha yurub 

Hoos udhac iyo soo kabasho 

Sanadkii 1980meeyadii dabayaaqadoodii ilaa 2000 meeyadii villa waxaay lakulantay isbadal xaga natiijooyinka ah kooxdu waxaay lakulantay hoos udhac waxaana marar badan laga saaray premier league sanadii 2016 Aston villa waxaay udhaa dhacday heerka labaad championship taa soo aheed markii ugu horeeysay tan iyo markii la aasaasay premier league 1992 si kastaba haahaatee kooxda ayaa dib ugu soo laabatay premier league sanadkii 2019 kadib markii aay kaad kaatay Derby country finalkii play off tan iyo markaas Aston villa waxaay sameeysay hormar muuqda iyadoo dib udhistay kooxdeeda iyo qaab ciyaareedkeeda 

Ciyaartoyda caanka ahaa 

Aston villa waxaa soomartay ciyaartooy caan ah sida paul McGrath difaac khimrad badan 
Dwight yorke weerer yahankii kabaxay villa kubiray Manchester United 
Gareth Barry xiddig dhexe oo muddo dheer uciyaaray kooxda 
Jack Grealish kabtankii hore kooxda ee kamid noqday xiddigaha ugu caasan Aston villa  ee sanadihii udanbeeyay 

Tababarayaal iyo maamul

Kooxda waxaa soo maamulay tababarayal caan ah sida Ron Saunders hugaamiyihii kooxda kuhanuuniyay horyaalka 1981 Tony Barton tababatihii guusha gaarsiyay UEFA champions league 1982 martin O neill macalin sare oo kooxda keenay natiijooyin fican 2006 2010 waxaa xusid mudan in aay kooxdu lee dahay maamul cusub oo xooggan oo aay hugaamiyaan shirkad katimid mareeykan tani waxaay sare uqaaday maalgalin kooxda iyo rajo taageerayasha 

Villa park 

Garoonka villa park waxaa lafuray sanadkii 1897 wuxuu lee yahay awood uu kufariisto in kabadan 42,000 qof waa garoon taariikhi ah oo lagu qabtay kulumo waaweeyn oo caalami ah sida koobkii aduunka 1966 iyo Euro 1996 

Aston villa maanta

Sanadihii udanbeeyay Aston villa waxaay kunaa looneysay hormar dag dag ah iyadoo saxiixyo cusub sameeysay is lamarkaana ciyaar wanaag latimid waxaayna utartameen boosaska tartamada yurub waxaayna heleen tageerayaal daacad ah oo balaaran kooxda hada waxaa hugaamiyey tababare khimrad leh oo ah Unai Emery kaas oo kooxda gaarsiiyay heer sare gaar ahaan tartanka UEFA confidence league 

Post a Comment

0 Comments