Ticker

6/recent/ticker-posts

fc Barcelona more Than a club

 Taarikhda fc Barcelona 

Kooxda kubada cagta ee futbol club Barcelona oo sicaadi ah looguyeero fc Barcelona ama Barca waa koox laga lee yahay magaalada Barcelona ee dalka Spain kooxda waxaa la aasaasay 28 November 1899 kiiwaxaana aas aasay nim swiss ah oo looran jiray joanGamper isogoo kaashanahay koox ciyaartoy ah oo kalayimid Spain iyo swiss iyo Germany England kooxda Barca waxaay sidag dag ah caan uga noqotay mid caan ah gudaha gobalka Catalonia waxayna astaan unoqotay dhaqanka iyo wadaniyada catalanka hugaaka kooxda  ee ah mis que un club oo micneheedu yahay kabadan koox aayaa mujinaysa sida kooxaha lagu arko astaan dhaqan siyaasadeed iyo bulsho

Waayihii hore


Dabayaaqadi qarnigii 19naad iyo hormarintee qarnigii20naad fc Barcelona waxaay bilaa been inay tartan galiyaan koobabka gudaha Spain kooxdu waxaay kuguuleysatay Copa delray sanadkii 1910 waa koobkii ugu horeeyay ee weeyn eey qaado kooxdu waxaay kucaan baxday ciyaartoy catalan ah iyo taageraya aad udaacad ah 

Dagaalkii sukeeye ee Spain dhibaa tadii franco

Dagaalkii sukeeye ee Spian( 1936) iyo (1939) iyo xukunkii franco wuxuu sixun usaa meeyay FC BARCELONA kooxdu waxaay lakulan tay cadaadis siyaasadeed magac kooxda iyo astaan ayaa lagabadalay waxaana laga manuucay isticmaalka luqad catalanka garoomada sikastaba haahaato Barca waxa aay aheed meel lagumuujiyo dareenka catalanka   xiligii xukunka adkaa

Guulihii cuslaa iyo johan cruyff 

1970 meeyadii Barca waxaay lasoo saxiixatay ciyaar yahankii Dutch ka ahaa johan cruyff waxaa uciyaaray intii udhaxaysay 1973 ilaa 1978 waxa uuna kooxda kacaawiyay hanashada horyaalka la liga  sanadkii 1974 markaas aay sugayeen 14sano cruyff wuxuu markale kooxda kusoo laabtay 1988 isagoo ooah macalin wuxuu dhisay koox loo guyeero Dream team taasoo oo kuguuleysatay  la liga 4sano oo xariir ah  (1991) (1994) iyo koobka kooxda yurub European cup sanadkii 1992

Xiligii dahabiga pep cuardiola iyo Lionel messi 

Intii udhaxaysay 2008 ilaa 2012 kooxda fc Barcelona  waxay gashay xili dahabi ah oo uu hugaaminahayey pep cuardiola kooxda waaxaa hugaanka uahaa ciyaaryahano mucjisad ahaa lionel messi oo laamin sanyahay inuu yahay ciyaaryahanka ugu fiican kooxda abid waxay kuguuleysteen sextuple sanadkii 2009kii lix koob oo halsano kudihiis taasoo aay kujiraan la liga copa delray champions league Spanish super cup UEFA super cup  iyo FIFA club world cup qaab ciyaaredka kooxda tikitaka  ayaa noqotay astaan calami ah 

Messi iyo guulihii layaabka lahaa 

Lionel messi kooxda waxuu lajoogay mudo 17sano ah isagoo dhaliyay inkabadan 600 gool  waxa uu kooxda laqaaday 10 horyaal ah la liga 7 Copa delray ah iyo 4 UEFA champions league ah messi wuxuu noqday halyeeyga ugu weeyn taarikhda Barca sanadkii 2021 messi kooxda waxuu ogatagay sababo loo laxiriiriyay xaalada dhaqaale ee kooxda 

Caqabadihii maliyadeed iyo dib udhiska

Sanadkii udanbeeyay fc Barcelona waxaay lakulantay caqabado dhaqaale iyo maamulka kuwaas oo sabab unoqday in laisdiwaan galinwaayo deeymo farabadan iyo in laxadido mushaarka  ciyaartoyda kooxda waxaay iskudayeen in aay kooxda dib udhisaan iyadoo lasoo saxiixatay ciyaartoy dhalinyaro ah 

Stadium iyo taageerayasha 

Garoonka kooxda waa Spotify Camp Nou kaas oo ah garoonka ugu weeyn yurub marka loo eego awooduu qaado 99,000 waxaa lagu wadaa in uudib udhis balaaran lagusameeyo FC BARCELONA waxaay lee dahay tageerayaal malaayin ah  oo kukala nool daafaha dunida waxaa loo arkaa koox aan lajeclaan karin oo kali ah balse laixtiraamo 

Gabogabo

Fc Barcelona waa koox kabadan ciyaar kubada cagta ah  waa astaan dhaqameed dhaqanka catalan ah iyo koox kuguu leysatay koobab fara badan inkastoo aay mararka qaar lakulmeen caqabado Barca waa mid kamid kooxaha ugu weeyn uguna saameenta badan taarikhda kubada cagta

Post a Comment

0 Comments