Ticker

6/recent/ticker-posts

Juventus football club century of glory struggle

 Taarikhda kooxda juventus 

Kooxda juventus oo sidoo kale loo yaqaano juva ama Bianconeri cadaan madow waa koox kubada cagta laga lee yahay magaalada turin ee dalka talyaaniga juventus waxaa la aas aasay sanadii November 1897 iyagoo aay dhiseen arday dhigata dugsiga massimo da zeglio kooxda waxaay sirasmi ah unoqotay koox xirfad leh sanadii 1900

Bilowgii kooxda 


Magaca juventus waxaa uu kayimid ereyga latinka ah ee micnihiisu yahay dhalinyaro sanadii hore kooxdu waxaay ciyaaraysay garoomo yaryar waxaana xiliyadaas aan laheeyn taageero badan ama dhaqaale xoogan laakin sanadii 1923 juventus waxaa lawaregay qooyska Angnelli oo ah isla qooyska leh shirkada weeyn ee fiat maamulka cusub wuxuu horseeday koox hormar weeyn gaar ahaan dhanka maamulka iyo dhaqaalaha 

Guulihii hore

Juventus waxaay hanatay horyaalka serie A ee talyaaniga markii uhoreysay 1930/31waxaana bilowday xiligii guulaha isdaba jooga ahaa ee aay kooxdu gaartay iyadoo kuguuleysatay shantii horyaal ugu horeeysay 1931dii ilaa 1935tii si xiriir ah taasi waxaay udhigtay taarikh cusub oo ilaa maanta aysan koox kale kagaarin talyaaniga 

Dhibatooyinkii dagaalki kadib 

Kadib dagaalkii labaad ee aduunka juventus waxaay lakulantay hoos udhac ciyaareed sikastaba ha ahaatee sanadihii 1950 meeyadii iyo 1960 meeyadii ciyaartoy aay kamid ahayeen Giampiero Bonipert iyo omar sivori ayaa sare uqaaday iyagoo kuguuleysatay dhowr horyaal oo kale 

Xiligii dahabiga ahaa 1970 iyo 1990

Waxaa lasheegay in juventus aay gashay xiligii ay ugu fiicneed taariikhdeeda intii udhaxay say 1970 meeyadii ilaa horaantii 1990 meeyadii tababare Giovanni trapatton ayaa kooxda uhorseeday guulo badan oo aay kamid yihiin

Serie A 6jeer 

Coppa Italia 2jeer 

UEFA cup 

UEFA super cup 

UEFA cup winners cup 

UEFA champions league 1985

Juventus waxaay noqotay kooxda ugu horeeysay ee yurub ah ee kuguuleysata dhamaan koobabka waa weeyn ee UEFA 

Dhacdooyinka muranka dhalisay 

Sanadkii 2006 kooxda waxaa kudhacday fadeexadii loo yaqaanay calciopoli taas oo kusaabsaneyd musuq maasuq dhanak garsoorayasha juventus waxaa lagaqaaday 2horyaal 2005 iyo 2006 waxaana laguriday heerka labaad ee talyaaniga serieB markii ugu horeeysay taariikhdeeda kooxda waxaa katagay xidigo waa weeyn laakin qaar sida Alessandro Delpiero iyo 
 Gianluigi Buffon waxaay doorteen inaay kooxda sii joogaan kooxda si dagdag ah ayeey ugo soo laabatay serieB waxaayna kuguleysatay horyaalka serieA markale sanadii 2012 iyadoo tababare uahaa Antonia conte 

Xiligii guusha cusbeed 2010 2020

Juventus waxaay kuraaxaysatay wakhti dahabi ah intii udhaxaaysay 2011 ilaa 2020 iyadoo 9jeer xiriir ah kuguleysatay  serieA tababarayaal kale duwan sida conte massimiliano Allegri maurizio sarri ayaa hugaamiyay kooxda waxaay sidoo kale gaartay final chanpions league labo jeer 2015 2017 in kastoo labada laga badiyay kooxda waxaay lasoo saxiixatay xidigo waa weeyn sida cristiano Ronaldo paul pogba carlos teves iyo kuwo kale

Dhibaatooyinka maaliyadeed iyo dib udhis 

Tan iyo 2021 juventus waxaay wajahday caqabado maaliyadeed iyo isbadal ciyaareed waxaana jiray baaritaano laxiriira xisaabaadka kooxda iyo qandaraasyada ciyaartoyda arintaa waxaay sababtay in maamulka sare  ay iscasilaan waxaana sidoo kale lagajaray dhibco xili ciyaareedkii 2022 iyo 2023 inkastoo goaanka danbe dib loo badalay 

Astaanta iyo garoonka 

Garoonka juventus Stadium Alliaz stadium waxaa lafuray sanadkii 2011waana mid kamid ah garoomada ugu casrisan yurub kooxdu waxaay caan kutahay maaliyado cadaan iyo madow striped ah astaanta juventus waxa ay muddo dheer aheeyd xayawaanka dameer farowga zebra laakiin hada waxaay isticmaasha jfudud oo cari ah 

Guulaha juventus qaar kamid ah 

Serie A 36jeer ugu guulaha badan talyaaniga 

Coppa italia 14 jeer uguna guulaha badan 

Super coppa Italiano 9jeer 

UEFA chanbions league 2jeer

UEFA cup 3jeer 

UEFA super cup 2jeer 

Entercontinental cup 2jeer






Post a Comment

0 Comments