Ticker

6/recent/ticker-posts

The history of Manchester city football club

 Taarikhda Manchester city Fc

Bilowgii kooxda Manchester city Football club waa koox caan ah oo kadhisan magaalada Manchester ee ingiriiska waxaana la aas aasay sanadii 1880kii markaas oo lagu magacaabi jiray st, mar,k (west) (corton) kooxdu waxaay uguurtay magaca Ardwick Association Football club sanadii 1887 kahor inta aan sirasmi ah loo gabadalin magaca Manchester city sanadii 1894kii ujeedada bilowga kooxda waxaay aheed in dhalinyarada xaafada laga mashquuliyo dagaalka iyo rab shadaha iyadoo loo marahayo ciyaaraha marka loo eego halkaas kooxdu waxaay aheed mid Bulshad muhiim uah 

Bilowgii guulaha iyo hormarka 


Manchester city waxaay horyaalka ingiriiska kubiirtay football league sanadii 1892dii guushudii ugu horeysay ee weeyn waxaay aheed marka aay kuguuleysteen FA cup sanadii 1904 iyagoo garaacay Bolton wanderers 1_0 tana waxaay aheed guul muhiim ah madaama aay muujisay awooda kooxda cusub ee kasocota waqooyiga England waxaa jiray waqtiyo adag oo aay kooxdu wajahday gaar ahaan markii dhimashadii maine Road uu gubtay dab xoogan sanadii 1920kii sikastaba ha ahaatee city waxaa dib udhisay oo siiwaday hormarka 

Xiligii dahabiga ahaa (1960) (1970) 

Sanadii 1960meeyadii iyo 1970 meeyadii Manchester city waxaay gashay wakhti loo arko inuu ahaa xiligii dahabiga ahaa waxaa kooxda hugaa miyay joe mercer iyo macalin  Allison ciyaartoy caan ahaa sida francis lee mike summerbee iyo colin Bell ayaa ahaa halyeeyo muhiim uahaa guulahaas 

city waxaay kuguuleysatay horyaalak Division 1967 iyo1968dii FA cup 1969 league cup 1970kii  European cup winners cup 1970kii taasoo aheed guushii ugu horeeysay yurub

Dhibaatadii iyo dhicitaankii 

Kadib guulahaas kooxdu waaxy gashay wakhti adag oo lagu tilmaami karo hoos udhac sanadii 1980 meeyadii iyo 90meeyadii Manchester city waxaay hoos ugu dhacday heerka hoose ee horyaalka xiliciyaaredki 1998 iyo 99kii waxaay gaareen heerka sadexaad ee horyaalka ingiriiska taas oo aheed meel aad ugafog magacooda weeyn sikastaba taageerayasha city mar waliba waay garabtaag nayeen xitaa markii xaalada adkaato tani waxaay aheeyd mid kamid ah waxyaabaha layaabka leh ee lagu yaqaano taageerayasha city 

Dib usoo kac malaayiinta 

Isbadal weeyn ayaayimid sanadii 2008dii markaas oo aay kooxdu lawareegtay shirkad laga lee yahay imaaraadka carabta oo lagu magacaabo Abu Dhabi United croup tani waxay aheed isbadal taarikhi waxaana kooxda loo keenay maal galin ballaaran waxaana lakee nay ciyaartoy caan ah sida yaya toure iyo sergio Aguero David silva vincent kompany iyo carlos Teves sanadkii 2012 Manchester city waxaay kuguleysatay premier league markii ugu horeysay 1968 iyadoo goolkii caan ahaa sergio Aguero  waqtigii dhamaadka ahaa uu kadhigay mid aan lailoobi karin 

Xiligii pep cuardiola iyo xukunka premier league 

Sanadkii 2016 kooxda waxaa lawareegay macalinka caanka ah ee pep cuardiola isagoo kudhisay falsafad kubadeed oo casri ah cuardiola city wuxuu kadhigay koox cagta kuhaaysa horyaalka ingiriiska 

Guulah hoos kuxusan ayaa lagaaray 

Premier league 2018 iyo 2019 iyo 2020 iyo 2023 

FA cup 2019 iyo 2023 

League cup 2018 iyo 2019 iyo 2020 iyo 2021 

UEFA champions league2023 markii ugu horeysay abid

Treble premier league FA cup champions league sanadkii 2023 oo aay city kadhigtay kooxdii labaad ee ingiriiska ah guguuleysaty sadexdii koob ee uguweeyn hal xiliciyaareed 

city sidok kale waxaay kuguuleysatay UEFA super cup  iyo FIFA club world sanadii 2023dii taasoo sii dhameeysay xukunkeeda kubada cagta

Etihad Stadium iyo mustaqbalka 

Manchester city waxay hadda ciyaarta kuqabataa Etihad Stadium kaas oo furmay 2003 waa garoon casri ah ooleh kudhawaad 53,000 kuraas ah naadiga sidoo kale waxa uu lee yahay xarun tobabar oo aad uheer sareyso waxaana lafilayaa mustaqbalka in aay sii xoogeysan doo naan iyagoo loo eegahayo dayarta kasoo baxaysa iyo maal galinta joogtada ah

Gunaadkii 

Manchester city waxaay kamid tahay koox yar oo xaafad ah oo dhalinyaro ciyaarsiisa ilaa aay noqotay mid kamid ah kooxaha ugu awooda badan kubada cagta caalamka taariikdeedu waa mid aay kujiraan kor ukac hoos udhac guulo niyad jab ah iyo dadaalo joogta ah kooxdu waxaya maanta matalaysaa iskudhaf taarikh qoto dheer 

Post a Comment

0 Comments